Soomaaliya, Maarso 19 (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday cafis soconaya 90 maalmood oo loo fidinayo dhallinyarada ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish haddii ay is-soo dhiibaan, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbad telefishinka laga sii daayay caawa oo Khamiis ah.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha kooxahaas inay ka soo laabtaan dagaalka isla markaana ay dib ugu soo biiraan bulshada, isagoo sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso oo ay u abuurto mustaqbal cusub.
“Waxaan baaq nabadeed iyo cafis 90 maalmood ah u fidinayaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan ururrada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri madaxweynaha. “Waxaan ugu baaqayaa inay ka soo noqdaan waddada khaldan ee ay ku habaabeen, una soo laabtaan bulshada Soomaaliyeed.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay dib ugu dhexgaliso bulshada, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib-u-dhiska dalka.