Wajeer (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki oo u tegay ismaamulka Wajeer, si uu uga qeyb galo munaasabad lagu daah furaayay Xaruta dhexe ee degmada Kotulo, ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan marnaba ka gaabin doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Degmada Kotulo ee la howlgeliyay, ayaa noqon doonta xarunta dhexe ee ismaamul goboleedka, waxaana Faarax Xasan Maxamed loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada.
Wasiirka ayaa tilmaamay in cadawga ugu weyn ee dalka Kenya yahay Al-shabaab, wuxuuna ballan qaaday in ay ka go’an tahay laamaha amniga in ay ka shaqeeyaan sugidda amniga magaalooyinka Mandera, Garissa, Wajeer iyo Lamu.

“Laamaha amaanku waxey si hagar la’aan uga shaqeeyaan ka hortagga dambiyada iyo la dagaalanka amni xumada ka jirta gobolka Waqooyi Bari. Qaar ka mid ah saraakiisheena ayaa naftooda ku waayay, kuwa kale ayaa u dhaawacmay si amniga loo sugo. Geesiyaalkaas waddaniyiinta ah kuma filno abaal marin la guddoonsiiyo” ayuu yiri, Kithure Kindiki







