Doha (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa hoyga uu ka degganyhahay Doha ku booqday Madaxweynihii Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, " Ra'iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra'iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka".
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.
Dhanka Farmaajo wax war ah oo la xiriira kulanka kama soo bixin balse waxaa uu dhawaan bogaadiyay dagaalka ciidamada dowladdu kula jiraan xoogaga Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in la garab istaago ciidamada xoogga.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qatar u tegay bishii Maarso ee lasoo dhaafay ka qeyb-galka shirka dalalka soo koraya oo ay soo agaasintay Qaramada Midoobe, ayaa sidaan oo kale ula kulmay Farmaajo iyaga oo kawada hadalay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan sidii Al-shabaab dalka looga saaari lahaa.






