Saturday, October 26, 2024

Ingiriiska oo £5 Milyan ugu deeqay  ciidanka Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Ingiriiska ayaa ugu deeqday £5 milyan Soomaaliya si loogu taageero xasiloonada iyo ciidanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.

Lacagtaan loo qorsheeyay in wax looga qabto ammaanka Soomaaliya ayaa la shaaciyay kadib kulan dhex maray  La taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo ku xigeenka La taliyaha Amniga UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta laamaha amniga, la dagaallanka kooxda Al-shabaab, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Lacagtaan  ayaa ka mid ah  deeqaha joogtada ah ee dowladda Ingiriisku ku bixiso laamaha  amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, si ciidamadu u helaan taageero dhanka caafimaadka, hoyga iyo cuntada.

La taliyaha Amniga UK Dame Sarah MacIntosh ayaa  tiri “Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay xasilinta iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka”

waxey intaas raacisay sida ay uga go’antahay dowladeeda in taageero loo fidiyo dowladda soomaaliya si looga shaqeeyo xasilinta goobihii lagala wareegay Al-shabaab, iyada oo tiri.

“Ingiriisku wuxuu sii wadi doonaa taageeridda dadaallada  ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha lagala wareegay”

Deeqdaan lacageed ee ay bixisay dowladda Ingiriiska ayaa kusoo beegmeysa laba todobaad kadib markii dowladda Mareykanku ugu deeqday Soomaaliya  2 milyan oo dollar si loo sii xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here