Saturday, July 27, 2024

Hannaanka dib u eegista deyn cafinta Soomaaliya oo maraya  gabagabo

Nairobi (Dawan)- Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxaa maalintii labaad ka socda shirka dib u eegista hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo maraya dib u eegistii lixaad ee igu dambeysay

Shirka waxaa hoggaaminaya wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, waxaana ka qeyb gelaya hay’ado kale oo ka socda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Cadaaladda, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa shirkaan goob-joob ka ah madaxda (IMF) sanduuqa lacagta adduunka iyo xafiisyada Bangiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya.

Shirkaan oo looga hadlayo dib-u-milicsiga horumarka dowladda Soomaaliya ay ka sameeysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, fursadaha dhaqaale ee mustaqbalka dhaw, caqabadaha jira iyo heerka uu marayo dadaalladda deyn cafinta Sooomaaliya ee gabagabada ku dhaw.

25- kii Maarso ee sannadkii 2020-ka ayay guddiyada fulinta ee sanduuqa lacagta adduunka iyo ururka hormarinta caalamiga ah ee Bangiga adduuka (IDA) ay isku raaceen in  Soomaaliya soo gaartay xilliga deyn cafinta iyada oo la raacaayo hormarinta dalalka saboolka ah ee deynta culus (HIPC) ka dibmarkii ay ka soo gudubtay seddexdi sano ee loo qabtay 2018-kii si ay usoo gaarto heerka deyn cafinta.

Shirkaan oo ah kan ugu dambeeya ee Barnaamijka loo yaqaan (ECF) oo ah hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah oo Soomaaliya u horseedi doonta barta kama dambeysta ah oo la filayo in la gaaro dabayaaqada sannadkan 2023-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here