Jowhar (Dawan)- Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya aaya billaabay qorshaha wajiga labaad ee lagu dhimaayo ciidamada ka sugan Soomaaliya.
Warbixin ay soo saartay ATMIS oo la xiriirta bixitaanka ciidaankii joogay Saldhigga Biya-cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u qorneed sida soo socota.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maalinti axadda (shalay) ahayd bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo lagu wareejiyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Saldhigga Biyo-cadde ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle.
Saldhigga Biyo-Cadde oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay ka howl geli jireen ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa ah mid istaraatiiji ah, maadaama ay tahay furinta difaaca ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Munaasabadda wareejinta Saldhigga waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.
Taliyaha Saldhigga Biyo-cadde ee ATMIS, Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wareejinta mas’uuliyadda amniga ay caddeyn u tahay hoggaanka Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka, iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.
“Waxaan marqaati ka nahay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka oo ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku muujiyeen awooddooda sii kordheysa ee ku aaddan sugidda amniga dalka. Waxaan aragnay ciidamada oo weeraray, qabsaday oo gacanta ku dhigay deegaano badan,” ayuu yiri Gaashanle Dhexe Butoyi.
Wuxuu intaas ku daray in, “ xirfadda, tababarka iyo qalabka ay haystaan Ciidamaada qalbka sida ee Soomaaliya in ay wax ka beddeleen dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Saldhigga Biyo-cadde, Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay warqadaha wareejinta ee Saldhigga, taas oo caddayn u ah wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goob joog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta dhexe ee Hawlgalka ATMIS, Gaashaanle Dhexe Edouard Nzohabonayo , Madaxa UNSOS ee unugga Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Taliye Ku-xigeenka Waaxda Hawlgallada ee Ciidanka xoogga Soomaaliya, Gaashaanle Muxudiin Axmed.





