New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah ka yeeshay kulan xaaladda Soomaaliya, iyada oo warbixin ka hadleysa xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka laga dhegeystay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Catriona Laing, Ergayaga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa Golaha Ammaanka uga warbixisay arrima badan oo ay ka mid yihiin xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, khilaafka ka jira dhameystirka Dastuurka, xuquuqda aadanaha, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Catriona Laing, waxa ay tilmaamtay in horumar la taaban karo ay Dowladdu ka samesay dhinacyada kala duwan sida ammaanka, siyaasadda, Bini aadantinimada iyo arrima kale.

Dhameystirka Dastuurka
Ergayaga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, mar ay ka hadleysay arrinta dhameystirka Dastuurka, waxay sheegtay in loo baahanyahay in dhinacayda kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed isku tanaasulaan si loo dhameystiro hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in Soomaaliya u nugushahay dhibaato haddii aan la helin Dastuur kala saara dadka
"Arrinta Dastuurka, waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada inay isku tanaasulaan si loo dhameystiro geeddi-socodka. Haddii aan la helin Dastuur lagu yahay heshiis, Soomaaliya waxay weli u nugushahay dhibaatooyin joogto ah oo aan lahayn xeerar lagu heshiiyey, si xal loogu helo" ayay tiri, Catriona Laing.
Sidoo kale, Waxay Catriona Laing warbixinteeda ku sheegtay in ay soo dhawaynaynayaan ansixintii uu dhawaan Baarlamaanku ee Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka, iyada oo ku tilmaamtay tallaabo dadejinaysaa geeddi-socodka ah Dowlanimada Soomaaliya.
Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee Badda
Ergayaga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, oo ka hadleysay xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowadii bishii January dhax maray Itoobiya iyo Somaliland ee Badda, waxa ay mar kale si cad ugu celisay sida Qaramada Midoobay u ixtiraamayso madax bannaanida, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka qayb galaan wadahadal nabadeed oo waxtar leh iyo in laga fogaado erayada xanafta leh ama ficillada kicin kara xiisadda.
Horumarka Dhanka Ammaanka
Horumarka laga sameeyay dhanka amniga, waxey Catriona Laing muujisay sida ay ugu qanasantahay in ay Qaramada Midoobay uga warbixiso horumarada la taaban karo ee laga sameayay xasilinta deegaannada dhawaan lagala wareegay Al-Shabaab iyo hirgelinta sharciga, maamulka, dib-u-heshiisiinta, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee la geynayo goobaha la xoreeyay.
"Wareegjintii mas’uuliyadaha amniga ee Golaha Baarlamaanka iyo Villa Soomaaliya ee lagu wareejiyay Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliya 14-kii December 2023 waxay Soomaaliya u ahayd guul astaan muhiim ah" ayay tiri, Catriona Laing, waxeyna raacisay in ay jirtay xoogaa dib u dhac ah oo ku yimid dhameystirka wejiga 2-aad ee bixitaanka ATMIS, balse guul leh oo loo dhameeyay dhammaadkii January.
Waxa kale oo ay soo dhaweysay ballan-qaadkii Dowladda Federaalka 11-kii February ee ahaa in dhammaan hubka waaweyn laga raro xarunta hubka ee Xalane ugu dambeyn 25-ka February, waxeyna ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah in la yareeyo khatarta ay la kulmaan Beesha Caalamka iyo dadka deegaanka ku hareeraysan xarunta.
Ilaalinta qoondada haweenka ee siyaasadda
Catriona Laing, waxay xustay in Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uu dadaal badan ku bixiyay ilaalinta qoonadada haweenka Soomaaliyeed ee dhanka siyaasadda, waxeyna sheegtay in ay kala shaqeeyeen Dowladda, haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo hormariyo hirgelinta qoondada 30% ee haweenka, iyada oo tilmaamatay in ay jirto caqabad marka la eego ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda.









