Muqdisho (Dawan)- Dowladaha ay ciidamada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ayaa taageeray codsigii Soomaaliya ee ahaa in hakin farsamo lagu sameeyo bixitaana ATMIS muddo seddex bilood ah,
Wasiirada arrimaha dibadda ee shanta dal ayaa warqad ay ku caddeynayaan taageeradooda u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Ferit Hoxha
Tilaabada ay qaadeen dowladaha Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi ayaa ka dhigan in 3,000 oo askari oo ka bixi lahaa Soomaaliya dhammaadka September laga yaabo in ay sii joogaan waqti dheer ama lagu bedello tiro la mid ah si loo xaqiijiyo xasiloonada deegaanada ay hadda ku suganyihiin ciidamada ATMIS
Warqadda ay shantaan dal direen ayaa lagu yiri “ Waxaan so xoog leh u taagereeynaa in hakin farsamo lagu sameeyo dhimitaanka ciidamada ATMIS, waxaana ku raacsanahay Soomaaliya in dalku u baahanyahay in uu helo tiro ciidan oo ku filan in ay qaadaan mas’uuliyadda amniga"
Qoraalka warqaddaan oo ku taariikhsanaa 23-kii Sebtembar, ayaa intaas raacisay "Ujeedkeenu waa in aan hubinno in Soomaaliya ay fursad u hesho in ay wax ka qabato caqabadaha adag iyadoo aan la dadajin hannaanka kala guurka ee amniga,"
Dowladahaan ayaa sheegay in haddii ay sii jooogaan Soomaaliya loo baahnaa doono dhaqaale lagu taageerayo ciidmada howlgalka ku jira.



