Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Koonfur Afrika.
Goluhu faaf-faahin dheeraad ah iyo waxa ay ku saabsan yihiin heshiisyadaas ma sheegin.
Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo warbixin ku saabsan xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.