Muqdisho (Dawan)- Socdaalka Maraakiibta marta Badda Cas ayaa hoos u dhacay 20% bishii December 2023, iyada oo shirkadaha Maraakiibtu ay hakiyeen howlahooda ama ay u weeciyeen isticmaalka dariiqii taarikhiga ahaa ee Rajada Wanaagsan ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay weerareen Maraakiibta ganacsi ee xiriirka la leh Israel.
Kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran magaceeda rasmigana uu yahay Ansaar Allah ayaa aad u kordhisay ka qeyb qaadashadeeda dagaalka ka socda Marinka Gaza.
Kooxda ayaa ku hanjabtay in ay weerari doonto dhammaan Maraakiibta ku sii jeeda Israel ee ku sugan Badda Cas oo ka mid ah marinka ugu muhiimsan dunida ee ay maraan shixnadaha shidaalka, si ay taageero ugu muujiso Falastiiniyiinta ay Isarel ku go'doomisay Gaza
Dhowr shirkadood oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn caalamka ee qaada Konteenarada ayaa hakiyay howlihii ay ka hayeen Gobolka.
Xog ay Wakaaladda Anadolu ka heshay Marine Traffic, oo ah shirkad qaabilsan la socodka Maraakiibta iyo arrimaha Badda, waxey muujineysa in weeraradii Xuutiyiintu ay hoos u dhigeen socodka Maraakiibta, gaar ahaan qeybti labaad ee bishii December 2023, kadib markii ay shirkado badan go’aansadeen in ay joojiyaan howlihii ay ka wadeen Badda Cas.
Arrinta ugu saameynta badan ee ku timid isu socodka Badda Cas ayaa ah in Maraakiibtii qaadeysay Konteenarada ay joojiyeen isticmaalka Badda Cas, islamarkaana ay u weeciyeen dhanka dariiqii taarikhiga ahaa ee Rajada Wanaagsan.
Marka la eego xogta Marine Traffic, tirada Maraakiibta konteenarada ee maray Badda Cas bishii Decemeber 2023 ayaa hoos u dhacday 25% marka la barbar dhigo tirada Maraakiibta ee December 2022.
Isla muddaadaan Maraakiibta qaada gawaarida ee mara Badda Caas ayaa hoos u dhacday 25%, inkasta oo is beddel weyn uusan ku imaanin Maraakiibta sidday gaaska dabiiciga ah iyo xamuulka qallalan.
Ka dib weeraradii ka dhacay Marinka Babul Mandab ee Badda Cas, shirkadda Maraakiibta Maersk ee laga leeyahay Denmark oo ah shirkadda ugu weyn adduunka ee xamuulka daabusha, shirkadda Italian-Swiss Mediterranean Shipping Company (MSC), shirkadda Maraakiibta Jarmalka ee Hapag-Lloyd, shirkadda xamuulka Faransiiska ee CMA CGM iyo shirkadda Ingiriiska ee BP waxay dhammaantood go'aansadeen inay joojiyaan hawlihii ay ka wadeen Gobolka.
Ka dib go'aanka shirkadahaan, gaadiidka maalinlaha ah ee mara Badda Cas ayaa hoos u dhacay 20% qeybtii labaad ee December 2023 marka loo eego qeybtii hore ee isla bishaas.Tirada Maraakiibta ah ee martay Badda Cas 1-dii December waxa ay ahayd 646, 16-kii December waxa ay noqotay 681 laakin waxa ay hoos u dhacday 31 December iyada oo gaartay 521.
Ka dib markii ay Maraakiibtu u weecdeen in ay maraan dariiqii taarikhiga ahaa ee Rajada Wanaagsan , waxay tirada gaadiidka Maraakiibta marta Waddadaas kor u kacday 27% bishii December inta u dhaxeysay 25-31 marka loo eego isbuucii ka horeeyay.








