Muqdisho (Dawan)- Dowladda Ingiriiska ayaa ugu deeqday £5 milyan Soomaaliya si loogu taageero xasiloonada iyo ciidanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.
Lacagtaan loo qorsheeyay in wax looga qabto ammaanka Soomaaliya ayaa la shaaciyay kadib kulan dhex maray La taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo ku xigeenka La taliyaha Amniga UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta laamaha amniga, la dagaallanka kooxda Al-shabaab, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Lacagtaan ayaa ka mid ah deeqaha joogtada ah ee dowladda Ingiriisku ku bixiso laamaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, si ciidamadu u helaan taageero dhanka caafimaadka, hoyga iyo cuntada.






