Addis Ababa (Dawan)- Ethiopian Airlines ayaa shaacisay in dhowr duullimaad oo ku wajahnaa ama ka imaanayay Bariga Dhexe in la hakiyay kaddib xaaladda amni ee gobolka oo sii xumaanaysa.
Shirkadda diyaaradaha ayaa sheegtay in duullimaadyadii u socday Amman, Tel Aviv, Dammam iyo Beirut in la joojiyay ilaa amar dambe, iyadoo si dhow ula socota xaaladda si loo hubiyo badqabka rakaabka iyo shaqaalaha.
Ethiopian Airlines waxay tilmaamtay in tallaabooyin dheeraad ah oo shaqo la qaadi doono iyadoo lagu saleynayo sida xaaladdu u socoto. Rakaabka u safraya ama ka imanaya goobaha saameynta leh waxaa lagu booriyay inay ka hubiyaan xaaladda duullimaadyadooda bogaga rasmiga ah ee Ethiopian Airlines, sidoo kalena ay la xiriiraan wakiilada safarkooda si ay u helaan wararka ugu dambeeyay, isla markaana ay la soo xiriiraan Xarunta Adeegga Macaamiisha ee Ethiopian Airlines kahor inta aysan garoonka aadin.







