Riyaad (Dawan)- Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye, safiirka Jabuuti u fadhiya Sacuudiga,Diyaa’udiin Baamakhrama iyo Agaasimaha guud ee wakaaladda Dalxiiska Jabuuti, Cismaan Cabdi ayaa magaalada Riyaad uga qeyb galay shir calami ah oo loogu talagalay Maalinta Dalxiiska Adduunka.
Shirkaan oo halku dhig looga dhigay Dalxiiska iyo Maalgashiga cagaaran, waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin iyo xeeldheerayaal Dalxiis oo ka badan 500 oo qof kuwaas oo ka kala socday 120 dowladood.
Wasiirka ayaa tilmaamay ahmiyadda uu Dalxiisku u leeahay isdhaxgalka bulshada iyo barashada dhaqamadood, isaga oo sheegay in Jabuuti ay siiso ahmiyad gaar ah goobaha taarikhiga iyo kuwa dabiiciga ah ee loosoo Dalxiis tago.



