Waa maxay Xeer Ciise?Xeer Ciise waa nidaam sharci-dhaqan (customary law) oo ay leeyihiin beesha Ciise, oo ku nool Soomaaliya, Itoobiya, iyo Jabuuti. Xeerkan waxa lagu dhaqmaa muddo ka badan 500 sano, wuxuuna ka kooban yahay:
- Dhex-dhexaadinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta
- Magdhowga iyo ciqaabta beeleed
- Hogaaminta bulshada iyo anshaxa guud
Bishii December 2024, UNESCO ayaa Xeer Ciise u aqoonsatay hanti dhaqan aan la taaban karin, iyagoo xusaya doorka uu ka ciyaaro nabad-dhisidda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Maxaa dhax yaal Saylac iyo Boorama ama guud ahaan gobolka Awdal?
Waxaa la qorsheeyay in xuska Xeer Ciise lagu qabto Saylac, magaalo dekedeed taariikhi ah oo Badweynta Cas ku taalla, halkaas oo taariikh ahaan ay wada deggen yihiin beelaha Ciise iyo Gadabuursi.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaa ku dhawaaqay galabnimadii Khamiista in xafladda Xeer-ciise ee xuska sanad guurada ah lagu qabanayo magaaladda Saylac ee gobolka Awdal.
Wararka munaasabadda ayaa careesiiyey Bulshada Borama, oo Gadabuursi ah, kuwaas oo sheegay in xuska Saylac uu muujinayo sheegasho dhuleed oo ka dhan ah taariikhdooda. Boqolaal dad ah ayaa banaanbaxyo ka sameeyay Borama, iyagoo dhisay xayndaabyo, wata calanka Awdal, waxayna dalbadeen in la joojiyo xuska.
Isku dhacyo ayaa dhacay habeenkii, iyadoo ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha rasaaseeyeen. Warbixino madax-bannaan iyo shaqaalaha caafimaadku waxay sheegeen in dad ku dhinteen isla markaana kuwa kale ku dhaawacmeen, wakow tirade rasmiga aysan cisi shaacin haddana waa lawa qiray dhimasho inay jirto

Muqdisho iyo Hargeisa: Aragtiyo iska hor imaadaya
- Dowladda federaalka Soomaaliya (Muqdisho) waxay xiisadda ku tilmaantay “mid murugo leh oo laga hortagi karay,” waxayna ku baaqday in Somaliland ay dhegaysato cabashooyinka dadka Borama.
- Somaliland (Hargeisa) ayaa ku eedaysay Muqdisho “faragelin ula kac ah oo deegaannada dagaanaasho la’aan ka dhigaysa,” waxayna sheegtay in tallaabooyinka federaalka ay kicinayaan xiisad siyaasadeed.
Tallaabada Madaxweynaha Somaliland










