Muqdisho (Dawan)- Xarunta Hal-abuurka ee Jaamacadda Benaadir ayaa qabatay dood maanfur ah oo ku saabsan “Sida fikradaha loogu rogo ganacsiyo shaqeeya”Khubarada ganacsiga iyo ardayda ka faa'iideysaneysa barnaamijka ayaa isdhaafsanaya doodo iyo fikrado badan si looga soo saaro shaqo natiijo leh.
Kooxda ka faa'iideysaneysa barnaamijka ayaa u aragta in ay heleen fursad mar la arag ah waxeyna muujinaayan rajo ah in ay ka mira dhalin karaan fikradaha ku jira maskaxdooda.

Asma Cabdiraxmaan waxa ay hore uga qalin beddelatay Jaamacadda balse nasiib uma yeelan in ay barnaamijyadaan oo kale fursad u hesho xilligii ay ardayga ahayd.Hadda waxa ay cabbireysaa dareenkeeda iyo waxa ay ku baratay barnaamijka " Barnaamijka waxa la aas-aasay markaan Jaamacadda dhameeyay kadib, waxaana ka mid ahay dadka ugu horeeyay ee course-ka qaatay... Waxaan ka faa'iiday sidee businnes u abuuri kartaa"

Xirfadaha la barayo ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda iyo kuwa weli waxbarashada ku jira ayaa isagu jira Hal-abuurka Ganacsiga, Tiknoolojiyadda iyo xirfadaha la xiriira, iyada oo yoolku yahay in ay la jaan qaadaan dunida casriga ah.

Maxamed Cali Diiriye waxa uu dadka intooda badan kala mid ahaa in maskaxdiisa ay ka guuxayen fikrado badan iyada oo ay ku adkeyd siduu ugu beddeli lahaa ficil.Kadib ka faa'ideysigiisa barnaamijkaan waxa uu awoodaa inuu ka mira dhaliyo riyadiisa.
" Maanta waxa aaan bartay, awood u yeeshay inaan innovation-ka iga dhax guuxaya inaan u beddeli karo wax real ah oo la taabaan karo"











