Maputo, March 27 (Dawan) – Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali ayaa muujiyay kalsooni kaddib markii xulka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo uu barbaro 0-0 ah la galay Mauritius ciyaar ka tirsan isreeb-reebka hordhaca ah ee Koobka Qaramada Afrika 2027, isaga oo rajo ka muujiyey lugta labaad.
Inkasta oo ciyaartu ku dhammaatay barbaro garoonka Estadio da Matola, Cali ayaa sheegay in fursadaha ciyaarta ee aan laga faa'iideysan inay ahaayeen sababta ugu weyn ee natiijada, xilli “Ocean Stars” ay ahaayeen kooxda martida loo ahaa.
“Waxaan rabnay inaan guuleysano; waxaan helnay afar ama shan fursadood oo aan gool ku dhalin karno,” ayuu Cali u sheegay wariyeyaasha, isaga oo raaciyay “Ciyaartu waxay ku dhammaatay 0-0. Waxaan diiradda saari doonaa ciyaarta xigta, Insha’Allah, si aan ugu soo baxno—maxaa yeelay ciyaartaas waa final. Sidaas darteed waa inaan si fiican u ciyaarnaa, Insha’Allah.”
