Muqdisho (Dawan) - 1-da Luulyo, Muqdisho waxaa looga yaqaanaa maalinta midnimada, balse Hargeysa waxay ugu asteysan tahay maalin madow oo odayadoodii si aan ka fiirsasho lahayn ula midoobeen Koofur.
Somaliland waxay leedahay xukun dhul ka tiliyo, dadna u arrimiyo, ammaan ah, hay’ado dowladeed oo shaqeeya, calan iyo lacag gaar ahna leh. Waxayna baadi goob ugu jirtaa in loo aqoonsado dowlad madax bannaan. Mid ka mid ah su’aalaha ay jawaabta u waayeen maamulladii Somaliland soo maray waxay ahayd in masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland ay xubno firfircoon ka yihiin dowladda Federaalka, taasoo ka dhigan in reer Waqooyigu aysan ka mideysnayn arrinta gooni isu taagga! Balse sanadkan waxaa muuqda isbedel weyn oo arrintaas ku saabsan.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya , Saalax Jaamac, Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, iyo Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxay si wadajir ah u qaadaceen xuska maalinta 1-da Luulyo ee Midnimada iyo xorriyadda Koofurta, iyagoo ku gaabsaday hambalyada 26-ka Juun ee xornimada Waqooyiga Soomaaliya.
Xogtaan waxa aan ku saleynnay oo kaliya dhaqdhaqaaqyada Baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitter ee masuuliyiintaan.










