Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Qaramada Midoobay, ku codsatay in aan dib loo cusubooneysiinin shaqada howlgalka xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) kaas oo ay muddaadiisu ku egtahay dhammaadka bisha October ee 2024.
Codsigan ayaa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.
Wasaaradda ayaa arrintan ku sababaysay in dowladda Federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida ku aaddan horumarkeeda mustaqbalka.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya mar dambe aysan codsan doonin dib u cusboonaysiinta qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023)
Soomaaliya, waxa ay codsatay in la qaado dhammaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah hannaanka lagu soo gabagabeynayo muddo xileedka Howgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ku eg bisha October 2024.
Falcelinta ka dhalatay codsiga dowladda
Tillaabada ay qaadday dowladda waxaa ka dhashay falcelin kala duwan oo isagu jirta taageero iyo dhaliil, iyada oo dadka qaarkood ku doodayaan in la joogo xilligii la xiri lahaa xafiiska UNSOM halka ay jiraan dad kale oo qaba in go'aanka dowladda uu yahay mid qar iska tuurid ah.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mocallimow : " Dowladda Soomaaliya xaq beey u leedahay in ay dalbato in la soo gabagabeeyo Howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM waana in lagu taageeraa, waxase Halxiraale adag mustaqbalka ku noqon doono marka ay xallin weydo dabka gudaha kaga shidan".
Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee NISA: "Madaxweyne Xasan go’aanka uu maanta ka gaaray Xafiiska QM natiijadeeda wuxuu guran doonaa subaxa 16ka May, 2026. Maalintaas oo ay isku fac noqonayaan qof walba oo aanan xil qaran haynin"








