Laascaanood, 16 Janaayo 2026 (Dawan) — Laascaanood maanta ma aha kaliya magaalo martigelinaysa xaflad caleema-saar; waa xarun dib loogu qorayo taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, iyo xubno badan oo ka tirsan Golayaasha fulinta iyo sharci dejinta, oo ay sii dheeryihiin madaxda laamaha amniag ayaa si wadajir ah ugu sugan magaalada si ay uga qeybgalaan xafladda caleema-saarka hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari. Munaasabaddan oo taariikhi ah waxay leedahay calaamado siyaasadeed iyo istaraatiiji ah oo si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya iyo gobolka.
1. Booqashada madaxweyne Xasan ee magaalada:
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee si rasmi ah u taga Laascaanood tan iyo xilligii Maxamed Siyaad Barre. Safarkan ayaa jebinaya go’doon siyaasadeed oo magaaladu ku jirtay muddo dheer, wuxuuna astaan u yahay taageerada dowladda dhexe ee Maamulka Waqooyi Bari.
2. Madaxweyne ku yimid doorasho:
Xafladdan ayaa sidoo kale ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee xilka ku yimaada doorasho oo gaaray Laascaanood, tan iyo safarkii Cabdirashiid Cali Sharma’arke ee 1969. Taariikhdaas ayaa xusuus ku leh dalka ka hor afgambigii Maxamed Siyaad Barre.
3. Xaaladda siyaasadeed ee Laascaanood:







