Muqdisho (Dawan)— Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay barnaamij waxbarasho oo heer gobol iyo caalami ah, kaas oo isku xiraya jaamacado ka kala socda Afrika iyo Yurub, si loo horumariyo waxbarashada tamarta la cusboonaysiin karo, cilmi-baarista, iyo dhisidda awoodda hay’adaha tacliinta sare.
Muxuu yahay Mashruuca READ?
Barnaamijkan oo lagu magacaabo READ (Renewable Energy Advancement for Inclusive Development), ayaa waxaa ka qayb qaadanaya siddeed jaamacadood oo kala ah saddex jaamacadood oo ka socda Soomaaliya kuwaas oo kala ah; Jaamacadda SIMAD, Jaamacadda Muqdisho, iyo Jaamacadda Capital, laba jaamacadood oo Tansaaniya ah, iyo min hal jaamacad oo ah dalalka Turkiga, Malawi, iyo Talyaaniga. Iskaashigan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya wada-shaqeynta Afrika iyo Yurub ee ku aaddan horumarinta tamarta nadiifta ah iyo ka jawaabidda caqabadaha isbeddelka cimilada.
Xafladda daahfurka oo maanta ka dhacday caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday Midowga Yurub, iyo safiirrada dalalka Talyaaniga iyo Turkiga. Barnaamijka READ ayaa socon doona muddo 36 bilood ah, waxaana si toos ah uga faa’iideysan doona in ka badan 500 oo arday iyo ku dhowaad 100 howlwadeenno jaamacadeed, kuwaas oo heli doona tababbaro iyo is-weydaarsi aqooneed oo lagu qabanayo dalal ku yaalla Afrika iyo Yurub.
Agaasimaha Machadka Cimilada iyo Deegaanka ee Jaamacadda SIMAD, Maxamed Cukaash, ayaa sheegay in saameynta barnaamijku ay noqon doonto mid ballaaran. “Guud ahaan waxaa ka faa’iideysanaya dad aad u badan. Ardaydu waxay ka badan doonaan 500, halka ku dhowaad boqol shaqaale jaamacadeed ay qaadan doonaan tababbaro kala duwan oo heer caalami ah” ayuu yiri.
Yoolalka Barnaamijka READ









