Washington (Dawan)— Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay soo afjartay barnaamijkii loo yaqaanay Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah oo ay ka faa’iideystaan kumannaan muwaadiniin Soomaali ah oo ku noolaa gudaha dalkaas, iyadoo lagu wargeliyay in ay dalka ka baxaan ugu dambayn 17-ka Maarso 2026.
Go’aankan, oo ay shaacisay Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka, ayaa si toos ah u saameynaya Soomaalida muddada dheer ku noolaa dalkaas, kuwaas oo ku tiirsanaa sharcigan si ay si sharci ah ugu noolaadaan ugana shaqeeyaan Mareykanka.
Waa maxay sharciga xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ?
Sharciga Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah, waa barnaamij sharci ah oo Mareykanku siiyo muwaadiniinta kasoo jeeda dalal ay ka jiraan dagaallo, masiibooyin dabiici ah, ama xaalado amni oo halis ah, kuwaas oo ka dhigaya mid aan ammaan ahayn in muwaadiniintaas dib loogu celiyo dalkooda hooyo.
Sharcigan ma siinayo qofka jinsiyad ama deganaansho rasmi ah, balse wuxuu u oggolaanayaa:
· In uu si ku-meel-gaar ah ugu noolaado Mareykanka
· In uu helo oggolaansho shaqo
· In aan la masaafurin inta sharcigu shaqeynayo
Goorma ayay Soomaalidu heleen sharcigaan?
Barnaamijkan waxaa markii ugu horreysay loo sameeyay Soomaalida Sebtembar 1991, xilligii uu dalka galay burburkii dowladnimo iyo dagaalladii sokeeye. Tan iyo xilligaas, Mareykanku wuxuu marar badan kordhiyay muddada sharcigan ee Soomaalida, iyadoo lagu salleynayo xaaladda amni ee dalka.
Maamulka madaxweynihii hore ee Dimuqraadiga ahaa, Joe Biden, ayaa kordhiyay muddada sharcigan ilaa 17-ka Maarso 2026.
Maxay tahay sababta hadda loo joojiyay?
Wasiiradda Amniga Gudaha Mareykanka, Kristi Noem, ayaa sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen ay ku ogaadeen in xaaladda Soomaaliya ay “ka soo hagaagtay heerkii hore,” isla markaana muwaadiniinta Soomaaliyed aysan mar dambe buuxin karin shuruudihii sharcigan.








