Muqdisho (Dawan)- Maareeyaha Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde) ayaa sheegay in loo baahan yahay miisaaniyad dhan 125 milyan oo doollar si barnaamijka kaarka aqoonsiga qaranka looga hirgeliyo guud ahaan dalka, loogana dhigo mid gaara muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, xilli ay dowladda qorsheyneyso in nidaam aqoonsi dijitaal ah oo mideysan laga hirgeliyo Soomaaliya.
Maareeyaha NIRA, oo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayaa sheegay in qorshaha la dejiyay uu yahay mid qaran oo ballaaran, balse uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saameyn ku yeeshay hirgelintiisa oo dhamaystiran.
“Qorshaha aan dejinnay waa 125 milyan oo doollar si barnaamijkan uu waddanka oo dhan uga hirgalo oo muwaadin kasta u helo kaarka aqoonsiga" ayuu yiri, Tima-cadde, isaga oo intaas raaciyay in caqabadda jira ay tahay in la helay kaliya shan meelood, hal meel oo lacagtaas ah.
Waxa uu xusay in hay’addu ay dejisay qorshe shan sano ah oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka, kaas oo ujeedkiisu yahay in la gaarsiiyo kaarka aqoonsiga ilaa 15 milyan oo qof marka la gaaro sanadka 2029.








