Muqdisho (Dawan)- Tan iyo markii ay burburtay dowladdii Dhexe horaantii sagaashameeyadii, hubka Soomaaliya lasoo geliyo ayaa aha mid sharco darro ah, balse hadda wixii ka dambeeya, waxey dowladda Soomaaliya ku guulaysatay in si sharci ah ay usoo iibsan karto hubka.
Arrintaan ayaa timid kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u codeeyay fiidniamdii Jimacaha in cunaqabateyntii hubka laga qaaday Soomaaliya, taas oo loo diiwaan geliyay in ay ahayd cunaqabateyntii ugu dheereed ee dal la saaro.
Markii ugu horeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku soo rogay cunaqabateyn guud oo dhanka hubka ah, dabayaaqadii bishii Janaayo, 1992, hal sano kadib burburkii dowladii dhexe ee mileteriga iyada oo arrintaas lagu meelmariyay qaraar uu tirsigiisu ahaa 733 .
Cunaqabateynta hubka aya kadhiganayd in aan Soomaaliya la siin karin, laga iibin wax hub ah, sidoo kalena aan lagu caawin karin latalin iyo tababar ciidan.
Ujeedooyinka Cunaqabateynta waxaa sidoo kae ka mid ahaa in la joojiyo qulqulka hubka kaas oo gacanta ku gelayay dadka iyo kooxihii kala duwanaa ee talada ka tuuray Maxamed Siyaad Barre.
Bishii Febraayo ee sannadkii 2007-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1744 oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu xaddiday cunaqabateynta taas oo gaar looga dhigay dhinacyada aan dowladda ahayn ee Soomaaliya ka dagaallama.
Waxaa qaraarkaas lagu oggolaaday in Soomaaliya la geyn karo hub iyo saanad miletari oo looga gol leeyahay in lagu garab istaago tababar iyo talo dowladda Soomaaliya.Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya 31 sano kadib ayaa kadhigan in laga iibin karo hub casri ah oo kor u qaadaya awoodda iyo tayada ciidaanka Soomaaliya.
Inkasta oo mudda dheer ay cunaqabateyn saarneed Soomaaliya hadana kama caaganeyn helidda hubka, waxaana siyaabo kala duwan usoo geli jiray hubka fudud, taas oo keentay in maleeshiyaad badan helaan hub aysan jirin cid maamuleysa ama kula xisaabtameysa
Ciidamadii Marines-ka Mareykanka ayaa weeraray Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Janaayo 11-keedii, 1993, iyaga oo doonayay in ay si awood ah hubka uga dhigaan dadkii hubeysnaa sidoo kalena ay xiraan goobaha sida sharci darrada ah loogu iibiyo.








