Soomaaliya, 11 Oktoobar 2025 – Meeshii hore looga baqi jiray ayaa hadda noqotay goob nabadeed. Maxamed Muuse, oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa xusay sida uu uga adkaaday cabsigii uu muddo dheer ka qabay badda, isaga oo uga dhigay il kaalmayn iyo nasasho ka timaadda cadaadiska maalinlaha ah ee nolosha.
Maxamed hadda wuxuu ka mid yahay tiro sii kordheysa oo dhalinyaro ah oo baranaya sida loo dabaasho – xirfad uu ku tilmaamay “waxii ugu wanaagsan ee aan abid bartay.” Wuxuu xusuustaa in mar walba oo uu badda u soo dhawaado ay u keeni jirtay welwel isaga iyo qoyskiisaba.
“Nolosheyda qeyb kamid ah xirfadaha la barto, xirfadda ugu wanaagsan ayay noqotay dabaashadu. Awal waxaan badda u aadi jiray aniga iyo familkeyga annagoo u aragna maalintaas mid kamid ah maalmaha dagaalka nolosha. Laakiin hadda waxaan u arkaa goob aan waqtiga ku nasanayo,” ayuu sharraxay Maxamed.
Beddelidda Fikirka iyada oo loo Marayo Barashada
Sharma’arke Khaddar Cismaan, arday kale oo dabaasha baranaya, ayaa sheegay sida aragtidiisu guud ee badda ay isu bedeshay markii uu go’aansaday inuu wax ka barto oo uu barto sida saxda ah ee loo dabaasho.
“Walaahi ciyaal iga yaryar ayaan arkay badda meel walba ka dabaalanaya, anigana waan is celin waayay. Waxaan go’aansaday in aan u tago Macalin Shine si uu si fudud iigu baro dabaasha,” ayuu Sharma’arke yiri.
Labadan wiil waxay tusaale u yihiin sida wacyiga iyo helitaanka fursadaha ay dhalinyarada u dhiirrigelin karto inay bartaan xirfadaha badbaadada nolosha, gaar ahaan dabaasha, taas oo aan kaliya ahayn hawl madadaalo, balse sidoo kale xirfad badbaado oo muhiim ah.








