Muqdisho (Dawan)- Waxaa magaalada Muqdisho tababbar soconaayay muddoo seddex todobaad ah loogu soo xiray toban safiir oo cusub kuwaas oo ay dhawaan ansixiyeen Goloha Wasiirada ee Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasma Cabdi Barre oo kula dardaarmay danjireyaasha cusub in iyaga oo khibraddooda adeegsanaya ay wax weyn ka beddelaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana ay saaxiibbo wanaagsan u sameeyaan dalka.
“Waxaan u baahannahay in siyaasaddeennu ay ku salleysnaato Soomaali Dunida Heshiis la ah oo danteeda ka shaqeynaysa, lehna siyaasad deggan oo ku salleysan caqli iyo cilmi, waana taas sababta keentay in aan diblomaasiyadda u xulano dad ruug caddaa ah oo leh khibrad”. Ayuu yiri Xamse Cabdi Barre
Ra’iisul Wasaaraha oo shahaadooyin guddoonsiiyey danjireyaasha ayaa ku bogaadiyey Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, kaalinta uu ka qaato kor u qaadidda aqoonta diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.

Safiirada dhameystay tababarka Diblomaasiyadeed
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii hore ee February ansixiyay 10 Safiir oo ka howlgeli doona qaar kamid ah dalalka Soomaaliya ay la leedahay xiriirka Diblomaasiyadeed, kuwaas oo kala ah;
1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi3. Cali Cabdi Awaare4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)5. Bashiir Xasan Xaaji6. Fathudin Cali Maxamed7. Xuseen Cabdi Xalane8. Khadiija Cosoble Cali9. Khadra A Dualle10. Ridwan Xirsi Maxamed
Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday dhawaan in ay bedesho qaar ka mid ah safiiradeeda, iyada oo sidoo kale u magacaawday safiiro cusub dalal aysan hore ugu joogin safiiro.
Dalalka ay Soomaaliya u magacaawday safiirada cusub ayaa kala ah, Qatar, Sacuudiga, Morocco, Eretria iyo Kenya.








