Muqdisho 24 Diseembar 2025 (Dawan)- Doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Khamiista, 25 Diseembar 2025. Inkastoo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha (NIEBC) uu shaaciyay liiska musharaxiinta, haddana waxaa jira dhowr arrimood oo ay tahay inaad ka ogaato qaabka doorashada.
1. Qeybinta degmooyinka iyo kuraasta:
Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa loo qaybiyay labo qaybood: A oo leh 27 kursi, iyo B oo leh 21 kursi. Qeybintan ayaa saameyn ku leh sida ururrada siyaasadeed u qorsheynayaan musharaxiintooda iyo istiraatiijiyadda tartanka.
Arrintan waxay sidoo kale dood ka dhaxdhalisay bulshada kuwaas oo isweydiinaya arrimaha lagu salleeyay qeybinta
2. Tirada ururrada siyaasadeed iyo muarashaxiintooda:
Guddigu waxa uu shaaciyay magacyada 20 urur siyaasadeed oo soo gudbiyay muarashaxiintooda kuwaas oo gaaraya 1,604 musharax. Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka oo ah ururka uu madaxweyne Xasan Sheekh hogaaminayo ayaa ah kan ugu badan musharaxiinta, oo gaara 390 muarashax, taasoo ka dhigan in degmo kasta ay ku leeyihiin tartan dhameystiran.







