Kazan (Dawan)- Magaalada Kazan ee dalka Ruushka, waxaa ka socda shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dowladaha ku bahoobay ururka dhaqaalaha BRICS, iyaga oo ka doodaya sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhaqaale ee haysta dowladahan oo hadda noqday 10 dal.
Shirka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaraya haqab-beelka cuntada iyo arrimaha tamarta,waxaana sanadkaan hal-hays looga dhigay “BRICS iyo Dunida Koonfurta; in si wadajir ah loo dhiso duni wanaagsan.”
Mas’uuliyiin ka socota 36 waddan iyo 6 hay'adood oo caalami ah ayaa ka qayb galaya shirarka, kuwaas oo ka doodaya qaab dhismeedka nidaamka caalamiga ah, xasaradaha ka taagan dunida iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Aan kula wadaagno shan qodob oo ay tahay inaad ka ogaato dowladaha ku bahoobay BRICS
Waa maxay BRICS?
BRICS waa urur dhaqaale oo ay horay ugu bahoobeen Brazil, Russia, India, China iyo Koonfur Afrika. Magaca BRICS waxa uu ka yimid xarfaha ugu horeeya ee magacyada shantaas dal. Brazil, Russia, India iyo China ayaa ku kulmay shirkii ugu horeeyay ee BRICS 2009. Koonfur Afrikana waxay ku biirtay sanad ka dib.
Ujeedka Isbaheysigan ayaa ah in laga hoos baxo nidaamka dhaqaalaha iyo siyaasadda ee reer galbeedku u yahay hormuud .
2023, BRICS waxay aqbashay xubinimada Masar, Itoobiya, Iran, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ka dib markii dalalkan ay codasdeen inay ka mid noqdaan Ururka.

Waa maxay ujeedka BRICS ?
Arrinta ugu weyn ee ay ku midaysan yihiin xubnaha BRICS ayaa ah sida ay uga niyad jabeen hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah ee ay reer galbeedku hoggaamiyaan.
Dowladahani waxay Mareykanka iyo xulafadiisa u arkaan inay nidaamka dhaqaalaha u adeegsadaan qaab dagaal, iyaga oo cunaqabatayn dul saaara dalkii la yimaada siyaasad aysan raali ka ahayn.
Ruushka iyo Shiinuhu waxay dunida ka iibiniyaan in laga hor yimaado siyaasadda Mareykanka iyaga oo ka faa’iideysanaya taageerada aan xadka lahayn ee uu ku siiyay Israel duullaankeeda Gaza.
2023, madaxweynaha Brazil ayaa soo jeediyay in dowladaha BRICS ay yeeshaan lacag u gaar ah, laakiin khubarada dhaqaalaha ayaa ka digay in hindise kasta oo noocaas ah uu la kulmi karo caqabado badan oo ay adagtahay in loo helo xal fududd.
Taa baddalkeeda, xubnaha BRICS waxay hadda ka shaqaynayaan inay ganacsigoodka laba geesoodka ah u isticamaalaaan lacagahooda gaarka ah si ay u yareeyaan ku tiirsanaanta dollarka.
Awoodda Dhaqaale ee dowladaha BRICS
Dowladaha BRICS waxay hadda ku fadhiyaan saddex meelood meel dhulka aduunka, dadkoodana waxaa lagu qiyaasaa 45% dadka dunida, waxayna leeyihin kaydadka shidaalka dunida qiyaastii 45%.
Waxaa bangiyadooda ku jira in ka badan 17% kaydka dahabka ee aduunka
BRICS waxay hiigsaneysaa inay noqoto awood dhaqaale oo caalami ah la tartami karta kooxda G7 ee uu Mareykanku hogaamiyo, ayna ku jiraan France, Britain, Germany, Italy, Canada iyo Japan. G7 ayaa gacanta ku haysa 60% hantida adduunka.











