Muqdisho (Dawan)- Saaxiibadu waxay noqon karaan kuwa si wayn kuu farxad geliya, sida lagu ogaaday cilmi-baaris la sameeyay dhawaan taas oo muujisay kaalinta ay saaxibadu ku leeyihiin dareenka qofka, sida ay baahisay majaladda laga leeyahay Mareykanka ee "Forbes".
Dunidu waxay mareysa xaalad ay adagahay in qofku helo saaxibtinimo uu isku halleyn karo, waayo waxaa hoos usii dhacay heerka nolosha ee dadka marka la eego ladnaatooda iyo caafimaadkooda, kalinimaduna waxay gaartay heerki ugu sarreeyay abid. Waxaa sii badanaya dadka qaba walaaca taas oo muujineysa muhiimadda ay saaxibtinimadu u leedahay farxadda iyo degganaansha qofka.
Qaababka lagu heli karo farxad
Sida lagu soo bandhigay cilmi-baaristaan cusub oo lagu sameeyay 40,000 qoys, waxaa lagu ogaaday in saaxiibbo badan oo kala duwan da’ ahaan, jinsi ahaan, dakhli ahaan iyo waxbarasho ahaanba ay u horseedi karaan qofku inuu dareemo qanaaaco dhanka nolosha ah.
Waxaa jira dhowr siyaabood oo cilmi ahaan la ogaaday inay kordhin karaa dareenka farxadeed ee qofka.
Barashada dad cusub
Mid ka mid ah siyaabaha uu qofku ku samayn karo xiriirka dadka ka duwan naftiisa, waa inuu ku biiro ama barto dad cusub laakin ay isku dhawyihiin waxyaabaha uu xiiseeyo ama uu jecelyahay.
Tusaale ahaan hadii uu qofku jecel yahay sawir-qaadista ama farshaxanka , waxaa haboon inuu ku biiro koox sameysa tolliinka gacanta kuwaas oo xiriir dhaw la leh waxyaabaha uu xiiseeyo laakin ka howl duwan.
Hadii uu jecleyahay socodka, waa inuu raadiya dadka sameeya kayaking si uu uga barto xirfado cusub iyo nuuc ciyaareed ka duwan tiisa laakin xiriir la leh. Fikraddaan waxay kaa caawin kartaa inaad hesho saaxib aysan suurtagal ahaan lahayn inaad la kulanto weligaa.
Dadka aad kawada shaqysaan goob qura
Shaqadu waa mid ka mid ah gooba aasaasiga ah ee ay dadku saaxiibo ku yeeshaan, gaar ahaan saaxiibadooda kala duwan. Inaad marti qaado qof aad wada shaqeeyaan oo aadan si hoose u garanaynin, waxay horseedi kartaa saaxiibtinimo sii dheeraata iyo inaad is dhexgashaan.








