Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad khilaaf soo socday sanad iyo ugu yaraan siddeed bilood oo wadaxaajood ah kadib, waxay Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhawaaqeen inay ku heshiiyeen in laga gudbo arrimihii keenay khilaafka oo ahaa is-afgaradkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi horaantii sandkan. Ujeedka is-afgaradkaas waxa uu ahaa in Itoobiya iyo Somaliland is waydaasradaan bad iyo aqoonsi.
Waxaan kula wadaagayanaa dhowr qodob oo ka muuqday war-murtiyeedkii laga soo saaray heshiiski ay wada gaareen Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Is-waafajinta masaalixda Soomaaliya iyo Itoobiya
Tan iyo markii uu soo shaacbaxay khilaafka labada dal, Soomaaliya waxay ku adkeysatay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhowro midnimadeeda dhuleed iyo qaranimadeeda. Waxay caalamka ka dhaadhicisay in tallaabada Itoobiya ay ka dhigantahay is ballaarin iyo dhul doon.
Dhanka kale, madaxda Itoobiya wxay dhowr jeer ku celceliyeen inaysan noolaan karin casriga lagu jiro bad la'aan. Turkidu waxay ku guuleysteen in la is waafajiyo labada masalaxooda, taas oo ka dhigan in Itoobiya loo damanaad qaaday inay hesho bad ay u mareyso hannaanka waafqsan xeerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya ku doodeysay.
Dib u dhaca aqoonsiga Somaliland
Go'aanki uu qaatay Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha xilka ka degay ee Somaliland, ee ahaa in badda lagu bedesho aqoonsi, waxa uu u muuqdaa mid ugu yaraan aan hirgeli kain xilliga lagu jiro, dhowr sababbood awgood. Waa marka koowaade, Itoobiya waxay hadda heshay damaanaad qaad ku saabsan sidii ay u heli lahay bad ku kooban " ganacsi". Waa tallaabo ay uga bixi karto qayb ka mid ah baahidi ay u qabtay inay badda gaarto. Marka xiga, Somaliland hadda waxaa la wareegay xisbi cusub oo ka siyaasad iyo aragti ahaan ka duwan xisbigii soo xakumayay 14kii sano ee lasoo dhaafay. Dad badan oo ka ag dhaw xisbiga Waddani waxay qabaan in aqoonsiga caalamiga ah lagu raadi doono hannaan ka duwan sidii hore, lana jaan qaadi kara xilliga lagu jiro.
Sidoo kale, Itoobiya way tijaabisay inaan badda Soomaaliya lagu helin karin qaab ka duwan in loo soo maro dowladda dhexe, mana u muuqato inay markale dooneyso inay isku soo jeediso indhaha caalamka, inkasta oo aysan jirin wax mustaxiil ah, marka la joogo siyaasadaha dowladaha.
Goolka Erdogan iyo kaalinta Turkiga
Heshiiskan waxaa lagu gaaray waregga seddexaad ee wadahadallada labada dhinac ee soo socday siddeedi bilood ee lasoo dhaafay, waxaana garwadeen ka ahaa dowladda Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh labada dal.








