Muqdisho (Dawan)- Wixii Khamiisyo badan magacaabistiisa la sheegaba manata ugu dambeyn waa lagu dhawaaqay. Maanta laga billaabo Asad Cismaan Cabdullahi waa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista General Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Amniga Gudaha. Magacaabistan ayaa imaanaysa iyadoo xilkaan uu baneeyay Sulub Axmed Firin, oo dib ugu noqday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Asad Diyaano waxa uu ka mid ahaa musharrixiintii tartanka kula jiray Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni doorashadii madaxweynenimo ee Puntland. Siyaasad ahaan, labadoodu aad ayay ugu kala aragti duwanyihiin arrimaha maamulka iyo siyaasadda Puntland.
Magacaabista Asad Diyaano ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kaddib markii Madaxweyne Deni uu shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay wadahadallo furan oo lala galo Dowladda Federaalka, taas oo ah tallaabo muujinaysa in la damacsan yahay xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
Waa Kuma Asad Diyaano?

Dhalashada iyo Barbaarka
Waxa uu ku dhashay Degamada Gallaadi ee gobolka Dolollo oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Somaalida sanadkii 1983.








