Kismaayo (Dawan)- Doorashada madaxweynaha Jubaland ee sanadka 2024 ayaa maanta si rasmi ah uga dhacday magaalada Kismaayo, waxaana mar kale guuleystay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo muddo dheer soo xakumayay Jubaland. Doorashadan ayaa ahayd tii saddexaad ee uu Axmed Madoobe ku guuleysto tan iyo markii dhidibada loo taagay Dowlad Goboleedka Jubaland, taasoo muujinaysa xoojinta saameyntiisa siyaasadeed iyo hoggaamineed ee maamulkaas.
Musharraxiinta Tartamayay iyo Natiijada Codbixinta








