Waxaa si xawli ah isu beddelaya xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo ay isa soo tarayaan is-marinwaa siyaasadeed iyo xiisado danaha istaraatijiyadeed ah oo isku beddeli kara dagaal qabow oo goboleed. Waxa aan maanta ka hadlayno ma aha oo keliya biyaha Webiga Niil ama marin-biyoodka Badda Cas, balse waa dagaal qoto dheer oo ku saleysan cidda gacanta ku dhigaysa khayraadka iyo marinada muhiimka ah ee gobolka — taas oo ah arin halis ku ah xasilloonida guud ee Gobolka.
Masar iyo Itoobiya: Labo dan oo isdiidan
Qodobka ugu weyn ee xuddunta u ah loollanka ayaa ah khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya. Masar waxay si xasaasi ah uga walwalsan tahay in la wiiqo biyaha Webiga Niil oo ah isha nolosha iyo dhaqaalaha dalkaas. Dhanka kale, Itoobiya waxay u aragtaa in horumarkeeda iyo madax-bannaanideeda dhaqaale aysan suuragal noqon karin ilaa ay hesho deked ay si toos ah u maamusho — taas oo si toos ah u keentay damaceeda ku aaddan Badda Cas.
Iyadoo ay labada dal danahooda si buuxda isugu dheellitiran yihiin, Masar waxay adeegsaneysaa diblomaasiyad xooggan iyo xiriirro gobolka ah si ay uga hortagto in Itoobiya hesho marin-badeed. Itoobiya dhankeeda, waxay xoogga saaraysaa dhamaystirka Biyo-xireenka Guba (سد النهضة) — mashruuc ay u aragto mid xoojinaya maamulka biyaha Niil, kana dhigaya mid aan la is-dhaafin karin.
Isbahaysiyada cusub iyo saamaynta Khaliijka
Waxaa muuqda in labada dal ay sameesanayaan saaxiibbo istaraatiji ah. Masar waxay xoojinaysaa xiriirka ay la leedahay Qatar, oo si aan hore loo arag uga dhex muuqata siyaasadaha Geeska Afrika iyadoo dhawaan martigelin u sameysay madaxweynaha Somaliland, waxayna la timid fariin badan oo siyaasadeed, mid goboleed iyo mid caalami ahba.







