Baydhabo (Dawan)- Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ahna caasimadda kumeel gaarka ee Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed waxaa laga hirgeliyay barashada qoraal-aqriska Maayga.
Ardayda Dusgsiyada Magaalada Baydhabo ayaa noqday ardaydii ugu horeysay ee nasiib u yeesha in ay xiisa ahaan u qaataan barashada qoraalka iyo aqriska Maayga, iyaga oo dareemaya xiisa gooni ah iyo in ay u tahay taariikh la xusi doono mustaqbalka.
Ardaydu waxay u arkaan fursad ay dhaqankooda soo jireenka ah ku bartaan iyo wadiiqo lagu soo nooleyn karo Afka Maayga.
Barayaasha, Maamulka iyo Waalidiintuba waxa ay dhammaantood bogaadinayaan tillaabadaan iyo go'aankaan lagu barayo ardayda qoraal-aqriska Maayga, balse waxa ay sidoo kale tilmaamayaan in ay jiri doonaan caqabado u baahan karti, aqoon iyo dulqaad dheeraad ah.

Waxaa hore u jirtay iskudayo badan oo la sameeyay sidii qoritaan rasmi ah loogu sameyn lahaa Maayga balse ugu dambeyntii waa la gaaray yoolkii muddo badan la raadinayay, waana guul usoo hoyatay guud ahaan Soomaalida gaar ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida gaarka ugu hadla Maayga.
Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo aqoonyahano u nasab sheegta Maayga ayaa dadaal dheer geliyay suurtagalnimada ah in la helo qoraal rasmi ah si loo ilaaliyo dhaqanka iyo suugaanta u gaarka ah Maayga iyo Deegaanada looga hadlo.








