Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad 150,000 oo qof ayaa lagu qasabay inay ka barakacaan gurayahahooda tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan, kadib dagaalo beeleedyo ka dhacay gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-dubaridka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo (OCHA) Isniintii.
Tiradaas waxaa ku jira qiyaastii 42,000 oo qof, badankoodna ay yihiin haween, carruur iyo dad waayeel ah, oo lagu barakiciyay rabshado ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo horaantii bishii Luulyo, waxaana ka mid ah 12,000 oo qof oo u cararay goobo ay adagtahay in lagu noolaado oo ka baxsan magaalada.
Rabshadaha ayaa la rumeysan yahay inay ka bilowdeen muran ku saabsan lahaanshaha dhul, taasoo sidoo kale sababtay in la gubo suuqa ugu weyn ee magaalada.
Dagaal beeleedka ka dhacay gobolka Mudug intii u dhaxaysay Juun 26 ilaa Luulyo 2 ayaa ku qasbay in ka badan 26,000 oo qof inay ka cararaan guryahooda oo ku kala yaal deegaanada hoos taga degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban, sida aan kasoo xiganay warbixinta OCHA.
Dagaallada ka dhacay Galmudug ayaa sababay dhimashada in ka badan 55 qof iyo dhaawaca in ka badan 60 kale, waxeyna curyaamiyeen adeegyada gargaarka bani’aadamnimo, oo ay ku jiraan adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ee deegaanka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.








