Addis Ababa (Dawan)- Guddiga fulinta ee Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay in Itoobiya la siiyo lacag dayn ah oo dhan 3.4 bilyan oo doolar, taas oo qayb ka ah dayn dheeraad oo ay Itoobiya horay u dalbatay si ay dib u habeyn ugu samayso dhaqaala xumada iyo dhibaatada maaliyadeed ee haysata.
Daynta ayaa Itoobiya loo siin doona qayb qayb, iyada oo marka ugu horeysa gacanta loo gelin doono lacag dhan 1 bilyan oo dollar.
War-saxaafadeed kasoo baxay IMF ayaa lagu sheegay in dayntan cusub looga gol leeyahay in Itoobiya laga taageero fulinta barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha, si wax looga qabto dheelitir la'aanta dhanka dhaqaalaha iyo kobaca horumarka ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Agaasimaha Guud ee Hay'adda Lacagta Adduunka, Kristalina Georgieva ayaa tiri; "Ogolaanshaha dayntan waxay marqaati u tahay sida ay Itoobiya uga go'an tahay dib-u-habaynta xoogan ee dhanka maaliyadda iyo ganacsiga. IMF waxay ku faraxsantahay inay taageerto dadaalladan iyada oo ujeedadu tahay in Itoobiya la gaarsiiyo horumar dhaqaale xasiloon oo ay u wada dhanyihiin dhammaan dadka Itoobiya”.
Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa rajo wayn ka qaba inuu dayn gaareysa 10.5 bilyan oo doollar ka helo Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF, laakiin waxaa jira caqabado badan oo dhanka wada-xaajoodyadka ah.
Fulinta shuruudaha IMF
Bangiga Dhexe ee Itoobiya ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in la joojiyay xayiraadihii saarna suuqa sarrifka lacagaha qalaad, taasoo ah tillaabo lagu fulinayo shuruudaha IMF ee helidda amaah maalgelin ah.
"Bangiyada iyo ganacsatada waxaa hadda ka dib loo ogol yahay inay sameeyaan sarrifka lacagaha qalaad, iyaga oo si xor ah ula gorgortama macaamiisha" ayaa lagu yiri; qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe ee Itoobiya








