Riyaad (Dawan)- Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay gudaha Sacuudi Carabiya kadib markii la arkay seddex diyaaradood oo la saaray dhowr gawaari kadib la marsiinayo waddooyiinka waaweyn ee dalkaas.
Arrintaan la yaabka la noqotay dadwaynaha, waxaa sharraxaad ka bixisay hay'adda Madadaallada ee Sacuudiga, iyada oo sheegtay in diyaaradaha laga soo qaaday magaalada Jeddah lana geynayo caasimadda dalka ee Riyaad.
Diyaaradahan oo ah diyaarado waaweyn oo Boeing 777 ayaa la gayn doona goob loogu tala galay dalxiiska iyo madadaallada oo lagu magacaabo Boulevard City, waxaana laga dhigi doona dukaamo, maqaayado iyo goobo ay ku damaashaadaan dadka waaweyn iyo carruurta.

Masaafada ay jarayaan ayaa lagu sheegay 1,000 kilomitir, waxaana lagala kulmay caqabado badan qaadistooda sababo la xiriira waynaanta diyaaradaha iyo Sacuudiga oo ay arrintaan ku cusubtahay.
Dhirirka halki diyaarad waxa uu gaarayaa qiyaastii 64 mitir, ballaca dayuuradaduna waa 6.2 mitir, laakin caqabadda ugu weyn ayaa ah joogga diyaaradaha oo lagu sheegay inuu kor u dhaafayo 6 mitir, kaas oo ah mid ka dheer qaar ka mid ah joogga buundooyinka una baahan in laga fogeeyo agagaarka buundooyinka dalkaas.
Sacuudigu waxay ku faanayaan inay halmar fulinyan howsha qaadista seddex diyaaradood iyada oo aan qaybaheeda lakala jarin, sida ka dhacda inta badan caalamka.










