Tehran (Dawan)- Doorashada madaxtinimada Iran ee dhacday 28-ka bishaan June ayaa laguu qasbanaaday in la isla aado wareeg labaad kadib markii la waayay hal musharrax oo helay 50% in ka badan, waxaana u gudbay wareega labaad laba musharax ee kala ah Mascuud Pezeshkian iyo Siciid Jalili.
Muxsin Islaami, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Iran, ayaa ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay tirintii codadka, isaga oo tilmaamay in tirada dadka codeeyay ay ahayd 24 milyan, 535,185 oo qof kuwaas oo ka codeeyay 59,000 xarumood.
Islaami waxa uu sheegay in Pezeshkian uu helay 10 milyan 415 kun iyo 191 cod, taas oo ka dhigan 42.4 % codadki la dhiibtay sidaas awgeedna uu ku galay kaalinta kowaad ee doorashada.
Musharraxa kale ee galay kaalinta labaad Siciid Jalili ayaa isaguna helay codad gaaraya 9 milyan 473 kun iyo 298 cod taas oo ka dhigan 38.6 %.
Kaliya labaddaan musharrax ayaa ku tartami doona wareega labaad ee doorashada kaas oo la muddeeyay in la qabto 5-ta bisha July ee soo socota.
Waxa kaalinta saddexaad galay Maxmed Bagher Qalibaf oo helay 13.8% , halka Mustafa Pour Mohammadi uu galay kaalinta afraad isaga oo helay 0.8% .
Tirada codadka xumaaday ayaa lagu sheegay 1,56,159 cod, waxaana ka qayb qaatay codeynta doorashada 40% taas oo lagu tilmaamay in ay tahay mid hooseysa marka loo eego doorashooyinkii dalka soo maray.
Waa kuma Mascuud Pezeshkian?
Siyaasigan isbedel doonka ah ee Pazashkian waxa uu ku dhashay magaalada Mahabad 29-kii September 1954-tii isaga oo ka soo jeeda qoys asal ahaan isagu jira Turki iyo Iran .
Pezeshkian, oo magaciisu macna ahaan ku noqonayo luqadda Faaris "dhakhaatiir" , wuxuu ka qalin jabiyay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Tabriz wuxuuna kasoo qayb qaatay isaga oo dhakhtar iyo dagaalyahan ah dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee dhacay intii u dhaxaysay 1980 iyo 1988.
Dagaalka ka dib, Pezeshkian wuxuu sii watay waxbarashadiisa isagoo ku takhasusay qalliinka guud ee Jaamacadda Tabriz ee Sayniska Caafimaadka.
Pezeshkian waxa uu takhasuskiisa qalliinka wadnaha ka qaatay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Iran 1993kii, ka dib waxa uu noqday khabiir ku takhasusay qalliinka wadnaha isaga oo Guddoomiye ka noqday Jaamacaddiisi Tabriz ee Sayniska Caafimaadka intii u dhaxaysay 1994 iyo 1999.
Pezeshkian ayaa siyaasadda soo galay markii loo magacaabay wasiir ku xigeenka caafimaadka sanadkii 1997, xiligaas oo uu xilka hayay madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Khaatami, ka dibna waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka sanadkii 2001, isaga oo xilkaas hayay ilaa 2005-tii.
Pezeshkian, waxaa u suurtagashay in uu Baarlamaanka soo galo isagoo wakiil ka ah Tabriz doorashooyinkii guud ee dalka ka dhacay 2008-dii, wuxuuna xubinimadiisa xildhibaanimo xajistay shan xilli doorasho.







