Muqdisho (Dawan)- Guddiga maamulka sare ee Premier Bank ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Geedi Jimcaale agaasimaha maamulka Premier Bank. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay la jaanqaadidda horumarka iyo isbeddelada dhaqaale ee dalka ka socda iyo hirgelinta qorshayaasha isku ballaarinta bangiga ee gobolka.
Dr Geedi waa shakhsi firfircoon oo ku xeel dheer maamulka iyo qorsha dejinta. Sidoo kalena waxa uu khibrad qoto dheer iyo waayo aragnimo u leeyahay istiraajiyad dejinta shirkadaha.
Waxa uu darajada koowad ee jaqmacadda ku heystaa maamulka, sidoo kale waxaa uu Master ku qaatay cilmiga maamulka shaqada iyo shaqaalaha isaga oo shahaadada darajada saddexaad ee PHD ka sameeyay istiraatijiyad dejinta, go'aan qaadashada iyo maamulka.
"Waxaa inoo dhashay waa kale oo cusub, waxaana hubaa in Premier Bank uu qaaday waddo dalka iyo bangigaba sii hormarin doonta in badan, waana in uu helay hoggaan cusub oo aan ku wada kalsoonahay". Waxaa sidaas yiri, chairman-ka Premier Bank, Jibriil Xasan.
Dr Geedi ayaa dhanka kale leh khibrad iyo xirfad bangiyadeed oo dhaafsiisan 10 sano oo ku aaddan majaalka maaliyadda iyo qorsheynta maamulka.
Inta aan loo dooran guddoomiyaha Premier Bank, Dr Geedi wuxuu soo qabtay shaqooyin iyo jagooyin kala cayn ah sida, ku simaha guddoomiyaha bangiga, guddoomiye ku xigeen, madaxa shaqada iyo shaqaalaha, waaxda maaliyadda iyo waaxda maalgelinta bangiga.








