Muqdisho (Dawan)- Daahfurnaan la’aanta Shidaal-soosaarista Soomaaliya: Meel 30 Kiiloomitir Muqdisho u jirto oo shidaal laga soo saarayo.
Nuxurka
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis soo saarid shidaal la gashay Shirkadda Shidaalka ee Al-khaliij ee laga leeyahay dalka Qatar 1-dii bishan September, munaasabad ka dhacday Doha, Qatar.
Heshiiskan oo ah nooca “Wadaagga waxsoosaarka” ayaa shirkadda Alkhaliij u ogolaanaya howlgalinta saddex ceel-shidaal oo ku yaalla berriga Koofurta Soomaaliya, ceelashaan mid kamid ah waxa uu ku yaallaa meel 30 Kiiloomitir kaliya u jirta Muqdisho sida uu sheegay Cabdi Casiis Al-daleemi Madaxa fulinta shirkadda Al-khaliij.“Waxaa lagu heshiiyay ilaa seddex goobood oo dhanka barriga aha kuma jiro wax dhanka badda ah , sidaa darted waxaa la qaadi doona tillaabooyiin degdeg ah Goobahan waxaa hore looga sameeyay sahmin waxayna ahayd talaabadii ugu horeysay ee mashaariicda sahaminta, sidaa darteed waan sii dhamaystiri doonaa. laakiin sahminti hore waxaa laga joogo muddo 20 sano ah ama ka badan maraka qaarkood, markaa waa lagama maarmaan in lagu celiyo sahmin cusub, iyadoo xooga la saarayo baarista dhulka hoose iyo muuqaalkiisa, waxaana xigi doona in la qodo taas oo aan rajaynayno inay kasoo baxaan wax miro dhal ah”
Sadexda goobood ee shidaal qodista laga billaabayo ayaa ah goobo 20 sano ka hor baaris lagu sameeyay lagu ogaaday inay jirto fursad ah in shidaal ama gaas uu ku jiro.
Cabdi Casiis Al-daleemi waxa uu leeyahay “Waxaa jira rajo weyn oo dhab ah. Goobahaas waxaa ka mid ah goob ku dhow caasimadda Muqdisho oo qiyaastii 30 KM u jira. sahamin ayaa hore loogu sameeyay waxaana sidoo kale goobtan laga qoday ceel baaris ah oo laga soo saaray Gaaska Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha ayaa daneynaya qaybtan sababtoo ah waxay awood u leedahay inay soo saarto gaaska looga faa’iideysan karo isticmaalka korontada oo Muqdisho ay aadka ugu baahan tahay.
Hadda Muqdisho inkasta oo dadkeedu ay ka badan yihiin laba milyan oo qof, haddana xaddiga korontadu waa mid aad u yar hadana qaali ah, Haddaba, suurtogalnimada in Gaas laga soo saaro meel 30 KM u jirta Muqdisho, loogana faa’iidaysto Korontada, waa arrin muhiim u ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana laga yaabaa in wax-soo-saarku uu sii ballaarto si habab kale looga faa’iidaysto Gaaska. .
Sidoo kale gobolada koonfureed waxaa jira laba goobood, waxaana hore looga sameeyay sahmin taas oo lagu ogaaday in shidaal ku jiro. Waxaan Ilaah ka baryenynaa inuu nagu guuleeyo howlahaan oo aan sahminti la sameeyay u bedelno horumar ay ka faa’iido dowladda Soomaaliya oo uu naga dhexeeyo xiriir walaaltinimo, waxaana Allaha awooda leh ka baryeynaa inaan sabab u noqno horumarka dalkan Carabta ah.”
Faahfaahinta heshiiska oo aan wasaaradda Batroolka ka codasanay ma aanan helin balse nuuca heshiiska oo afka qalaad lagu yiraahdo “Production sharing agreement” waa hab ay dowladahu kula heshiiyaan shirkada ajnabi ah oo shidaalka soo saara, oo maaligeliya kharashka ku baxaya kadibna saami ku yeesha shidaalka la soo saaro.Hesshiiska waxaa daraf ka ah shirkad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Gulfsom oo bahwadaag la ah Al-khaliij oo maalgelinta qeyb ka bixineysa. Baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay:








