Intii ka dambeysay ku dhawaaqistii is-afgaradka ma dhicin kulamo kale oo heer sare ah, lamana qaadin tillaabo u gogol xaareysa ujeedooyinkii heshiiska.
Qorshaha Abiy Axmed
Sida ay dad badan aamisanyihiin, Abiy Axmed ma doonayo inuu ku degdego dhamaystirka heshiiska inta ay ka dhamaanayaan laba arrin:
Is-fahanka Somaliland iyo Itoobiya ee ay isku waydaarsanayaan aqoonsi iyo bad, waxa uu xiisad ka abuuray gobolka Geeska Afrika oo marki horaba la daalla dhacayay colaado kala jaad ah, faragelin shisheeye, iyo masiibooyiin dabiici ah.
Soomaaliya iyo Itoobiya waxay qarka u saaranyihiin inay foodda is daraan, marka la eego hadalada ay warbaahinta isku marinayan, dhaqdhaqaayada ciidan iyo mowqifyada ay ka aaminsanyihiin qaddiyadda badda.
Eritrea waxay xiratay aaggeeda, oo way ku dhaqmaysayaa mabda’ ah “ biyo intaysan kusoo gaarin ayaa la iska muusaa”
Masar warkeeda waa cadyahay, oo waxay hiil iyo hooba la garab taagantahay Soomaaliya, waxayna u argata inay heshay fursad ay Itoobiya uga mashquulin karto dhamaystirka biya xireenka wabiga Nile oo Masaarida uga dhigan “ Nolol ama Geeri”
Jabuuti iyo Kenya; labadaba dhegta ayaa u taagan balse waxay rajo ka qabaan in xiisadda lagu qaboojin karo hannaan diblomaasiyadeed.
Dadaallada Turkiga
Ankara laba jeer ayay martigelisay wafuud ka socotay Soomaaliya iyo Itoobiya inkasta oo wadahadalaldii ay yeesheen aysan kasoo bixin natiijo ka duwan in markale la kulmo.
Turkidu hadda waxay doonayan inay hanaan cusub ku wajahaan wareegga seddexaad ee wadahadallada kaas oo ka cadaadis adag kuwii hore, iyaga oo ka faa’iideysanaya cashiradii ay ka barteen kulamadii hore ee kusoo dhamaaday gacma daalis.