Addis Ababa (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa golaha wasiirrada u gudbisay soo jeedin ay ku codsanayso in si rasmi ah loo ansixiyo mushahar kordhin loo samaynayo ku dhawaad 2.4 milyan oo shaqaale dowladeed ah.
Arrintaan ayaa timid kadib markii siyaasadda cusub ee dib u habeynta dhaqaaalaha dalkaas aya sababtay inuu mushaarku ku filnaa waayay shaqaalaha dowladda
Warqad ku taariikheysneyd 03 September, 2024, kuna socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayuu Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ku sheegay in soo jeedinta mushaar kordhinta cuusb ay u baahnaa doonto miisaaniyad dheeri ah oo dhan 91.4 bilyan oo birr.
Haddii la ogolaado soo jeedinta wasiirka, waxay dhaqan geli doontaa 11ka Sebtembar, 2024.
Soo jeedintan ayaa daba socota hadal uu dhawaan soo saaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ku saabsanaa in mushaar kordhin loo sameeynayo shaqaalaha dowladda.
Maxaa keenay in mushaarka loo kordhiyo shaqaalaha?
Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa soo bandhigtay cilmibaaris dhammaystiran oo bixinaysa caddaymo faahfaahsan oo ku saabsan kordhinta mushaharka ay soo jeedisay iyo sababta ku kalliftay, waxayna marsiisay guddiga dhaqaalaha oo dib u eegis ku sameeyay ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirada.

Ku dhawaad 2.4 milyan oo shaqaale dowladeed ah ayaa ka faa'iidaysan doona soo jeedinta wax-ka-beddelka mushaharka kuwaas oo isagu jira shaqaale federaal ah, iyo sidoo kale xubno ka tirsan ciidamada Boliiska ismaamullada, ciidanka difaaca qaranka Itoobiya iyo Boliiska federaalka.
Sahan ay samaysay hay’adda Tirakoobka Itoobiya bishii June 2022, ayaa lagu ogaaday in 1.1 milyan oo shaqaale dowladeed ah inay qaaataan wax ka yar 6,000 oo birr bishii, taas oo ka dhigan inay ku nool yihiin meel ka hooseysa xariiqda saboolnimada ba'an.
Waxaa jira shaqaale kale ooo gaaraya 946,306 kuwaas oo mushaar ahaan u hela inta u dhaxaysa 6,000 iyo 10,000 birr bishii waxaana loo arkaa inay ku nool yihiin heerka saboolnimada.
Intaa waxaa dheer, ku dhawaad 253,297 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda ayaa bishii qaata in ka badan 10,000 oo birr.
Arrintaan waxay muujisay in kala bar shaqaalaha dowladda ay ku noolyihiin saboolnimo aad u daran taas oo saamayn ku leh noloshooda, iyada oo ay kor u kacday maciishadda dalka Itoobiya.
Si wax looga qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajaha shaqaalahan rayidka ah, waxay Wasaaraddu soo jeedinaysaa in mushaar kordhin loo sameeyo shaqaalaha danyarta ah, iyada oo soo jeedisay in la kordhiyo mushaharka ilaa 332%. Tillaabaadan ayaa ka dhigeysa mushaarka ugu yar ee la qaaato oo dhan 1,100 birr in la gaarsiiyo ilaa 3,600 birr.









