Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysii siiyay waregyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay inay Turkiga ku adkaan doonto xallinta khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ku saabsan sidii Addis Ababa ku gaari leheed marin biyood.
Arrintan ayuu ku sababeeyay in labada dowladood ay aad u kala fogyihiin mabda' ahaan, iyada oo Soomaaliya ay u aragto in lagu xadgubay madaxbannaanideeda halka Itoobiya ay ugu muuqato arrin lagama maarmaan ah in ay hesho bad.
"Sida xaqiiqda ah, mowqifyada labada dal ee ku aaddan mabda’a ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed waa mid aad u kala fog. Xalku wuxuu ku jiraa in mid ka mid ah labadooda uu ka tanaasulo mowqifkiisa" ayuu yiri, Wasiirka.
Qorsha xal noqon kara oo dhexdhexaad ah
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa tilmaamay in dalkiisu uu si hoose usoo jeediyay qorsha dhexdhexaad ah oo xal u noqon kara khilaafka taagan, inkasta uusan si cad u sheegin qodobada uu ka koobanyahay qorshahas. " Waxaan si hoose u soo jeedinay qorsha dhexdhexaad ah si loo xalliyo khilaafka. Daaha kama qaadi karo si uusan u fashilimin qorshahaas" ayuu hadalkiisa raaciyay.
Jabuuti iyo Kenya ayaa horay isagu dayay in la xalliyo xiisadda gobolka ee ka dhexeysa labada dal ee deriska ah, inkasta oo aan wax natiija ah la gaarin. Dowladda Turkiga ayaa iyaduna markii labaad martigelisay wadahadal u dhexeeya labada dal, welina lama gaarin wax natiijo ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in lasii xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dal, si looga wada shaqeeyo deggaanshaha gobolka.
Maxamuud ayaa wargeyska u sheegay " Waxaa muhiim ah in lasii wado dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed si xal loogu helo xasilloonida iyo amniga gobolka. Waa taas arrinta u leh Jabuuti mudnaanta koowaad"
Wareeg 3-aad oo wadahadal ah









