Muqdisho (Dawan) — Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Safiir El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in ciidamada wadajirka ah ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay ku qasbeen kooxdaa inay dib uga gurato Muqdisho illaa 100–120 kiiloomitir.
Safiir Diene, oo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan TV, ayaa sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay hawlgalka ballaaran ee loo bixiyay " Duufaanta Aamusan" uu horseeday dib u qabsashada degmooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Sabiib-Caanoole, Bariire iyo Awdheegle.
"Maanta, waxaan arkeynaa in afartii bilood ee la soo dhaafay, hawlgalka “Dufaanta Aamusan" uu dib u riixay Al-Shabaab ugu yaraan 100–120 kiiloomitir, iyadoo dib loo qabsaday Sabiib-Caanoole, Bariire iyo Awdheegle" ayuu yiri, Safiir Diene.
Waxa uu intaas raaciyay inay jiri karaan haraadyo iyo unugyo qarsoon, gaar ahaan kuwo ku sugan Muqdisho, inkasta oo awooddoodii aysan sidii ay hore.
Waxa uu xusay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay uu muuqday horumar la taaban karo oo dhanka amniga ah, isaga oo tilmaamay in Muqdisho aysan ka dhicin weerarro hoobiyeyaal ah, isla markaana aysan jirin saldhigyo ay Al-Shabaab la wareegeen.
“Tani waxay muujinaysaa isbeddel ku yimid xawaaraha iyo awoodda hawlgallada oo keentay in amnigu soo hagaago" ayuu hadalkiisa ku daray.










