Muqdisho (Dawan)- Agaasimaha Xiriirka iyo Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Cabdulqaadir Cali Dige ayaa faallo kooban ka qoray go'aanka dowladda ee soo saarista dadka ku aasan qabuurha Iskool Boliisiya ee magaalada Muqdisho.
Agaasimuhu waxa uu sababeeyay arrinta keentay in ay dowladdu u baahato dhulkan, isaga oo aan si aan horay looga baran, ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah
Ra’iisul Wasaarihi hore Xasan Cali khayre ayuu ku eedeyay dilka iyo inuu kabahooda ku aasay askar Soomaliyeed, wuxuuna si maldahan u tilmaamay dhacdadii lagu weeraray guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Agaasimaha xiriirka iyo warbaahinta Vila Somalia ayaa gaar u xusay inuusan Khayre u doodi karin xuquuqda meydka. Waxa uu is weydiiyay; ma yahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonayaa amarka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu amray in la faago meydadkii ku aasnaa qubuuraha Iskool Polizia".
Villa Somalia intaas kuma aysan ekaan ee waxay eedeyn kale kala dul dhacday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Agaasimuhu waxa uu dadka dib u xusiisiyay hadal loo fasirtay dhacdadii Ethiopia loogu dhiibay Qalbi dhagax, isagoo usoo daliishaday inuusan ka hadli karin xaqa qabuuraha.
Waxa uu dhanka kale bamboo weyn dhex dhigay madaxweynihii dowladdii kumeel gaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirkiisii Qorsheynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur isaga oo ku eedeeyay kiiskii badda ee Soomaaliya iyo Kenya dhex maray.
Qoraalkan oo uu boggiisa Facebook soo dhigay Cabduqaadir Cali Dige agaasimaha Warbaahinta Villa Somalia ayaa noqonaya warkii ugu horreyay ee rasmi ah ee ka soo baxa Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlo arrinta xiisadda dhalisay ee qabooraha School Polizio.
Halkaan hoose ka aqriso, Faallada Agaasimaha oo dhamaystiran:
Labo Su’aal mid anigaa ka jawaabaya midna dadka Soomaaliyeed ayaan u deynayaa.








