Mandheera (Dawan)- Heerka dhalmada ee ismaamulka Mandheera ayaa lagu tilmaamay mid aad u sarreeya, waxeyna kaalinta koowaad ee xagga dhalmada ka gashay tirakoobkii u dambeeyay ee laga sameeyay gobollada dalka Kenya.
Xogtan waxaa lagu ogaaday warbixin ay soo saartay Waaxda Tirakoobka Dadweynaha iyo Caafimaadka ee Kenya taas oo ku saabsaneed kala sarreynta kororka caruurta ku dhalanaysa gobollada kala duwan ee dalkaas.
Mandheera oo kaalinta koowaad gashay ayaa lagu qiyaasay heerka dhalmada haweenka seddexdi sano ee lasoo dhaafay in ay u dhaxeysay 3 ilaa 4 caruur ah. 8 ka mid 10 kii haweeen ayaa sedexdi sano ee u dambeysay dhalayay ugu yaraan 3 caruur ah.
Deegaanada ismaamulada Wajeer iyo West Pokot oo kaalinta labaad isku ciriiriyay ayaa la sheegay in ay ku siyaaday 2 caruur ah, marka loo eego warbixinadii hore, taas oo ka dhigaysa wadarta guud in haweeneydiiba ay heysato 7 caruur ah.
Haweenka ku nool Marsabit, Samburu iyo Turkana ayaa celcelis ahaan heysta lix caruur ah.








