Washington (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya madaxweyne ku xigeenka dalkaas Kamala Harris doorashada madaxtinimada Mareykanka ee la qorsheeyay inay dhacdo 5-ta November, ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu isaga haray tartanka doorashada.
Sida lawada qiyaasayo, Trump ayaa kusoo noqon doona Aqalka Cad ama Harris ayaa noqon doonta haweeneydi ugu horeysay ee hogaamisa dalka ugu awoodda badan dunida laakin ma ogtahay inay jiraan murashaxiin kale oo u tartamaya xilka ugu sarreeya Mareykanka?

Chase Oliver (Xisbiga Libertarian)
Inkasta oo Xisbiga Libertarian uu ku casuumay Trump shirweynihiisa, hadana waxa uu go'aansaday ugu dambeyntii inuu murashax u doorto Chase Oliver oo 39 jir ah.
Xisbiga Libertarian waa xisbi siyaasadeed u ololeeya mabaadi'da xorriyadda, xuquuqda asaasiga ah ee shakhsiyaadka, waana xisbi kasoo horjeeda awoodda soo jireenka ah ee hay'adaha federaalka, goboleedka iyo dowladaha hoose.
Xisbiga Libertarian waxaa lagu aasaasay Westminster, Colorado, sannadkii 1971-kii, wuxuuna soo bandhigay musharraxiisi ugu horreeyay ee madaxweynanimada sanadkii ku xigay.
Sannadkii 1980-kii, waxa uu gaaray heerkii ugu sarreeyey ee guushiisa markii uu musharraxa madaxweynaha, Edward E. Clark, oo ahaa qareen uu helay 921,199 cod.
Sannadkii 2000, xisbigu waxa uu u tartamay aqlabiyadda kuraastii golaha wakiilada, inkasta oo aanu wax kuraas ah ku guulaysan, haddana murrashaxiintiisa waxay heleen 1.7 milyan oo cod.
Laga soo bilaabo bishii May 2024, Xisbiga Libertarian waxa uu noqday xisbiga saddexaad ee ugu weyn siyaasadda Maraykanka marka loo eego diiwaangelinta codbixiyayaasha. Doorashadii 2020, wuxuu ku guuleystey kursi Golaha Wakiilada Wyoming, taasoo siisay guushii ugu horeysay tan iyo 2000.
Hadda waxa jira 178 xubnood oo ka tirsan xisbiga Libertarians kuwaas oo jagooyin loo doortay. Laga soo bilaabo December 2023, waxaa jiray 741,930 codbixiyeyaal ah oo taagersan Libertarian kuwaas oo ka diiwaangashan 31 gobol.

Jill Stein (Xisbiga Green )
Dhakhtarada Jill Stein, oo 74 jir ah, ayaa isku dayaysa in ay markale u tartanto madaxtinimada Mareykanka, iyada oo ka wakiil ah Xibiga Green. Waxa ay ku eedaysay Dimuqraadiyiinta in ay jabiyeen balamihii ay u qaadeen ee dhanka shaqaalaha, dhallinyarada, iyo isbedelka cimilada.
Stein waxa ay siyaasadda soo gashay 2002-dii markii xisbiga Green ee Massachusetts ay ka codsadeen in ay isu sharaxdo guddoomiyaha gobolka Massachusetts.










