Qaahira (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah maanta loo furay safaaraddeeda magaalada Muqdisho si kor loogu qaado iskaashiga dhammaan dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeeya labada dal sida ganacsiga iyo dhaqaalaha
"Iyada oo laga amba qaadayo siyaasada hoggaanka Masar ee ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, waxaa maanta oo Talaado ah kuna beegan , August 13, 2024, si rasmi ah loo furay xarunta cusub ee Safaaradda Masar ee magaalada Muqdisho" ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in tillaabadan la qaaday kadib markii ay shirkadda diyaaradaha ee Masar ay dhawaan biloowday duulimaadyadeeda Soomaaliya, taas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo isku xirka iyo iskaashiga labada dal.
Booqashada Xasan ee Qaahira
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyada oo la filayo in labada dal ay kala saxiixdeen berri heshiis iskaashi dhanka difaaca ah, iyada oo wasiirradda gaashaandhigga labada dhinac ay qalinka ku duugi doonaan, Xasan Sheekh iyo Al-siisiina ay xaadir ka ahaan doonaan.
Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa heshiiskaan meel mariyay balse nuxurka heshiiskan lalama wadaagin warbaahinta.









