Muqdisho (Dawan)- Faanka ficil ayaa noo dheer waa halku dhigga ay sannadkaan adeegsanayeen ku guuleystayaasha tartanka ugu xiisaha badan gayiga Soomaalida ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ciyaar ku soo dhamaatay garba siman waqtigii loogu talagay ee 90-ka daqiiqo balse gool ku laadyo ay guusha ku raacday xulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa galabtii Isniinta (29 January 2024) lagu soo gaba gabeeyay garoonka tuulada ciyaaraha ee stadium Muqdisho.
Sidee Galmudug iyo Hirshabeelle kusoo gaareen finaalka tartanka?
Galmudug ayaa inta uu tartanka socday waxa ay soo garaacday xulalka Jubbaland, Koonfur-Galbeed, iyo Gobolka Banaadir oo ay kaga soo adgaatay ciyaarta afar dhamaadka halka ay bareejo la gashay Hirshabeelle kulankii furitaanka tartanka iyada oo la kulantay hal guul darro kadib markii ay Banaadir uga adkaatay 2 iyo 1.
Hirshabeelle ayaa soo martay dariiq ka fudud kaas iyada oo farxadda guusha dhadhamisay kaliya hal kulan balse awoodda Dastuurka kubadda cagta ku aruursatay dhibcaha ay ku muteysatay inay kusoo baxdo kaalinta koowaad ee Group-yada.
Seddex dhibcood ayay ka heshay ganaax la saaray Gobolka Banaadir kadib markii ay taarayaashooda ay rabshado ka sameeyeen ciyaartii ay wada ciyaareen Hirshabeelle iyo Banaadir, sidoo kale waxa ay si fudud ku heshay seddex dhibcood kadib markii ay Koonfur Galbeed ka baxday tartanka.
Marka laga soo tago kulankii koowaad oo ay Galmudug la galeen bareejo, waxa ay rigoorayaal uga badiyeen afar dhamaadki Maamul Goboleedka Jubbaland oo aan soo bandhigin sannadkaan ciyaar wanaagii ay caanka ku ahaayeen.
Isku milanka siyaasadda iyo ciyaaraha
Ku guuleystayaashii ugu horeyay tartanka ee Puntland kama soo qeyb gelin sabab loo tiiriyay isku milanka siyaasada iyo ciyaaraha, Koonfur Galbeed waa iskaga baxeen tartanka iyaga tabasho ka ah ciidanka amaanka oo dayacay ciyaariyahanadooda kadib weerar lagu qaaday baska ay saarnaayeen ciyaaartooyda Koonfur Galbeed
Maamulka SSC Khaatumo ayaa markii ugu horeysay lagu soo daray liiska xulalka ka qeyb qaadanaya tartanka, balse buuq ka dhashay arrintaas kadib waa laga saaray.
Si kastaba ha ahaate, Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed waxa ay qaateen go'aan ah in la dhameystiro habsami u socodka tartanka iyada oo ku dhawaad 10 jeer is beddel lagu sameeyay jadwalkii loogu tala galay in lagu ciyaaro kulamada tartanka.
Iibka Ticket-yada garoonka iyo sunta indhaha ka ilmeysiisa
4 jeer oo la qabtay tartanka, waa marki ugu horeysay ee lacag la dhigo tickit-yada lagu daawado ciyaaraha, waxaana gudaha garoonka laga macnuucay hubka nuucyadiisa kala duwan iyada oo la arkayay ciidamada loogu tala galay in ay ka hortagaan rabshadaha oo isticmaalaya sunta indhaha ka ilmeysiisa.








