Kampala (Dawan)- Shirweynihii 19-aad ee Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah ayaa maanta oo Jimca ah ka billaawday Magaalada Kampala, iyada oo ay Dowladda Uganda kala wareegtay Guddoominta Dhaqdhaqaaqan Dowladda Azerbaijan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, oo furay shirka ayaa sheegay in shirku kusoo beegmay xilli nidaamka caalamiga ah uu wajahayo caqabado badan, waxa uuna ku baaqay in la sii wado midnimada dalalka xubnaha ka ah Dhaqdhaqaaqa Dhaxdhaxaadka ah, si wax looga qabto caqabadaha ka jira dunida.
Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda, ahna Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in aan la aqbali karin hannaanka caalamiga ah ee ku dhisan hal awood.
Shirka waxa looga doodaya xoojinta iskaashiga wada jirka ah ee Dowladaha ku jira dhaqdhaqaaqa si loo gaaro barwaaqo, waxaana qeyb ka ah Madaxda ka qeyb geleysa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo iska diiday inuu ka qeyb galo shirkii IGAD ee looga hadlayay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo shalay ka dhacay Uganda ayaa maanta goob joog ahaa shirkan
Waa maxay Dhaqdhaqaaga Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah?
Dhaqdhaqaaqa aan isbahaysiga ahayn ama Dowladaha Dhaxdhaxaadka waxaa ku jira 120 Dowladood oo u badan kuwa soo koraya, waana fikrad soo if-baxday xilligii dagaalkii qabooba.
Fikradda Kooxdan waxa ay ku sallaysantahay in aan lala safan mid ka mid ah labadii awoodeed ee uu ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa kuwaas oo kala ahaa Mareykanka oo hogaaminayay Galbeedka iyo Midowga Soofiyeeti oo hormuud u ahaa Bariga, si loo abuuro awood dhaxdhaxaad ah oo la socon karta siyaasadda caalamiga ah.








