Soomaaliya, 28 October 2025 –Geerishyada lagu barto farsamada baabuurta ayaa noqday meel dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay ku dhistaan xirfad noloshood muhiim u ah, balse waxaa jira dhaqammo muran dhaliyay oo ay qaar kamid ah macalimiinta u adeegsadaan canaanta ardayda marka ay qalad galaan.

Daa’uud Saalax Saalim, oo ah mid kamid ah dhalinyarada wax ka barta geerishyada magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu la kulmay canaan adag kaddib markii uu kasoo daahay xilligii tababarka shaqada laga doonayay.
“Anigoo shaqeynaya ayaan afar saac imaaday, waxaana layga rabay inaan imaado saddex saac. Sidaas darteed ayaa oolyo laygu shubay. Waxaan isku dayayaa inaan wax barto, mustaqbalkeygana horumar aan gaaro ayaan rabaa,” ayuu yiri Daa’uud, isagoo hadalkiisa muujinaya dulqaad iyo go’aan waxbarasho.

Macalimiinta: “Waa Hab Anshaxeed”
Cali Baashi, oo ah macalin ardayda bara Cilad bixinta gawaarida , ayaa sheegay in canaanta noocan oo kale ah aysan ujeedadeedu ahayn dhibaateyn, balse ay tahay hab lagu baro ardayda masuuliyad iyo feejignaan.
“Qofka hadduu soo daaho qoraxda waa la istaajin karaa, mararka qaarna oolyo waa lagu shubi karaa. Oolyadana ma aha mid nadiif ah, waa tii laga beddelo gawaarida. Waxay baraysaa ardayga inuu waqtiga ilaaliyo,” ayuu yiri Cali.
Cali wuxuu intaas ku daray in macalimiintu ay hanaankan u arkaan “waddada kaliya ee lagu kala saari karo ardayga u diyaarsan waxbarashada iyo midka aan daacad ka ahayn barashada farsamada.”

Si kastaba ha ahaatee, arday kasta ma la kulmo ciqaab noocan ah. Xasan Cariif, oo isna ah makaanik tababaran, ayaa sheegay inuusan waligiis la kulmin xaalad noocan ah sababo la xiriira feejignaan iyo ixtiraam uu u hayo macalimiinta.
“Aniga lama kulmin ciqaabtan. Inta badan waa iska ilaaliyaa. Macalinkuna wuxuu u baahan yahay ixtiraam. Qofka hadduu macalinkiisa ixtiraami waayo, wax ma baran karo,” ayuu yiri Xasan.
Xasan iyo qaar kale oo la mid ah waxay aaminsan yihiin in ixtiraamka iyo waqtiga oo la ilaaliyo ay yihiin furaha guusha ee goobaha tababarka farsamada.

Bahda Caafimaadka: “ Waa Dhaqan Halis ah hala Joojiyo”
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa ka digay in oolyada loo adeegsado canaan ardayda, iyagoo tilmaamay in ay leedahay waxyeello caafimaad oo daran.
“Oolyada haddii ay isha gasho, waxay indhaha u keeni kartaa waxyeelo halis ah. Haddii aan 24 saac gudahood la dhaqin, waxay sababi kartaa arag la’aan,” ayuu yiri dhakhtar axyudiin Cali Cusmaan oo kamid ah bahda caafimaadka ee arrintan falanqeeyay.
Bahda caafimaadka waxay sidoo kale ku taliyeen in hanaankaan canaanta ah si degdeg ah wax looga beddelo, si loo hubiyo in ardayda barta farsamada ay helaan jawi barasho oo caafimaad iyo badbaado leh, isla markaana ay u koraan xirfadlayaal maskax ahaan iyo jir ahaanba u diyaarsan.






